HomeAll newsHowlgallo Ka Dhacay Afgooye iyo Gobolka Bakool.

Howlgallo Ka Dhacay Afgooye iyo Gobolka Bakool.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Weerar Dhabbagal ah waxay u dhigeen Askar katirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kamiinka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Xudur iyo Ceel-barde ee gobolka Bakool, waxaana ku dhacay ciidamo katirsan kuwa Itoobiyaanka la shaqeeya.

Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan ciidamada Jidka loo galay ayaa la dilay, halka la gubay gaari Cabdi bile ah oo ay wateen.

Dhanka kale Qaraxyo bambaanooyin ah ayaa xalay lagu weeraay ciidamo katirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa degmada Afgooye.

Mid kamid ah Bambaanooyinka waxaa lagu tuuray Askar fal dhac ah kawaday xaafad katirsan Afgooye, waxaana qaraxa kadib ay ka carareen halka lagu weeraray.

Qaraxa kale wuxuu ka dhacay agagaarka Xaafadda Tadaamun ee degmada Afgooye, Askar katirsan dowladda ayaana lagu weeraray.

Majiro faafaahin la xiriirta khasaaraha oo aan helnay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular