HomeAll newsCiidamada Xabashida ee Ku sugan Xudur Oo La kulmay Weerarkii Ugu Cuslaa.

Ciidamada Xabashida ee Ku sugan Xudur Oo La kulmay Weerarkii Ugu Cuslaa.

Dagaalyhanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa duulaan ballaaran waxay xalay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay weerarkooda ku ekeeyeen labo saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ku wehliya Itoobiyaanka duulaanka ay ku qabsadeen magaalada Xudur.

Dag Goobjoogayaal ah waxay sheegeen in saq dhexe uu dagaalku billowday, islamarkaana ay maqlayeen Jugta madaafiicda iyo hubka cul culus oo Mujaahidiingu ku garaaceen saldhigyada ay weerareen.

Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo gaaray ciidamada Itoobiya iyo malleeshiyaadka la joogay, balse lama hayo faafahin dhameystiran, maadaama magaaladu ay tahay mid haawaneysa oo dadka shacabka ahi ku yaryihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular