Sida uu sheegayo war kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan, ciidamo katirsan Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenyaatiga ku leeyihiin deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.
Weerarka oo ahaa mid culus, ayna Mujaahidiintu adeegsadeen hubka culus noocyadiisa kala duwan waxa uu socday in muda ah, iyadoona ay jiraan khasaare soo gaaray ciidamada Kenya ee la weeraray.
Ciidamada Kenyaatiga ayaa la sheegay in markii Rasaasta ay ku bilaabatay ay aad u qeyliyeen taas oo muujineysa in weerarka lagu kediyay uuna jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Deegaanka Buusaar ayaa kamid ah deegaannada gobolka GEDO ee Ciidamada Kenya xooga ku heystaan, waxaana dhowr jeer uu marti geliyay dagaallo ay qaadeen ciidamada Mujaahidiinta.