HomeAll newsXukun Xad ah Oo Ka dhacay Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan.

Xukun Xad ah Oo Ka dhacay Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamiga ee magaalada Buq-Aqbale ee Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan ayaa xukun xad ah waxay maanta ka fulisay fagaare weyn oo ku yaala magaalada.

Xukunkan oo Qisaas ahaa waxaa lagu fuliyay nin lagu magacaabo Guhaad Cilmi Cali oo 25 jir ah, horeyna u diley wiil lagu magacaabo Barre Ibraahim Axmed oo 19 jir ahaa.

Aabaha dhalay wiilka sida gardarada ah loo dilay ayaa gacantiisa uga qisaastey ninka dilay wiilkiisa, isagoona dhowr xabadood kaga dhuftay madaxa.

Maxkamadda Islaamiga ayaa ka hor inta aanu dhicin xukunka qisaasta ah waxay waalidka u bandhigtay inuu diyo qaato ama iska cafiyo ninka dilay wiilkiisa, balse Aabaha ayaa sheegay inuu doonayo inuu qisaasto.

Boqollaal Ruux oo katirsan dadka magaalada Buq-Aqbale ayaa kasoo qeybgalay Kulankan Xukunka Qisaasta ahaa.

Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaarayaasha waaweyn ee Wilaayaadka waxay kaa fuliyeen xukuno kala duwan oo Shareecada Islaamka waafaqsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular