HomeAll newsWeerar ka dhacay Afqaanistaan Oo lagu gumaaday Tobanaan Askari.

Weerar ka dhacay Afqaanistaan Oo lagu gumaaday Tobanaan Askari.

Wararka naga soo gaaraya dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in Weerar culus lagu qaaday saldhig milliteri oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Kaabul ee ay Shisheeyuhu ka dhiseen dalkaas.

Sida ay sheegayaan Warbaahinta Caalamiga, gaari miineysan oo uu kaxeynayo Naftii hure katirsan Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan ayaa gudaha u galay xarun ciidan oo ku taalla gobolka Qandahaar ee dalka Afqaanistaan.

Ugu yaraan 43 Askari oo katirsan Xukuumadda Kaabul ayaa dhintay, halka dhaawacyo badanna ay jiraan, waxaana warbaahintu ay weerarkan ku tilmaameen inuu ahaa mid culus oo xoogan.

Wuxuu yimid Weerarkan iyadoo maalintii Talaadada Weeraro culus oo Istish-haadiyiin iyo Inqimaasiyiin isugu jira ay ka dheceen magaalada Qardiiz ee xarunta gobolka Baktiika, waxaana weeraradaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday kudhowaad 500 oo Askari oo katirsan ciidamada Xukuumadda Kaabul.

Weli war rasmi ah kama soo bixin Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan oo ku aadan Weerarkan cusub ee maanta lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Qandahaar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular