Dowladda Cilmaaniga ee Turkiga waxay kamid tahay dowladaha deriska la ah dhulka barakeysan ee Shaam, waxaana sanadihii ugu dambeeyey ay qaadatay mowqif ay ku carqaladeyneyso kacdoonka Jihaadiga ee ka socoda Suuriya, iyadoona isgarab taagtay Ruushka iyo xulafadiisa.
Shirkii Asitaana 6 ee soo dhamaaday bishii hore ayaa qodobada kasoo baxay waxaa kamid ahaa in cagta la mariyo islamarkaana lala dagaallamo Jamaacaadka diidan iney heshiis iyo isfahan la gaaraan nidaamka Mujrimka ah ee Bashaar oo ay ugu horeyso hay’adda Taxriiru-Shaam iyo Mujaahidinta kale ee saadiqiinta ah.
Madaxweynaha Cilmaaniga ee Turkiga Rajab Dhayib Ordogan oo hadlay maalintii shalay wuxuu sheegay in xamlo milliteri oo ay iska kaashanayaan Ruushka, Turkiga iyo malleeshiyaad Suuriyaan ah ay ka bilaabatay gobolka Idlib, waxaana ciidamada Turkidu billaabeen iney dumiyaan derbiga xuduud beenaadka ay wadaagaan Idlib iyo Turkiga.
Turkida ayaa dowrkeeda wuxuu ahaan doonaa taageerada malleeshiyaadka iyo ka qeybgalka duulaanka, halka Ruushkuna ay dhanka hawada ka taageeri doonaan, waxaana la doonayaa in Idlib loo gacan geliyo kooxaha Reer galbeedka la shaqeysta.
Markii ugu horreysay hay’adda Taxriiru-Shaam ayaa war cad kasoo saartay dhacdooyinkan socoda iyo faragelinta la filayo in lagu soo sameeyo gobolka Idlib.
Bayaan kooban oo lagu baahiyay barta Telegramka ee hay’adda waxay ugu hanjabtay malleeshiyaadka la qorsheynayo in Turkiya ay soo geliso Idlib, iyadoona ku hanjabtay in Idlib aysan noqon doonin goob loo soo dalxiis tago, balse cidii cagta soo saarta ay la kulmi doonto Qaraxyo, Istish-haadiyiin iyo dhiig daata.
“Qofkii doonaya in hooyadiisa ay baroorato, Haweeneydiisuna garoob noqoto, ilmihiisuna Agoomo noqdaan ha yimaado Idlib, arintuna waxaa waxaad arki doontana ee ma ahan waxad maqli doontaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda Taxriiru-Shaam ee uu hogaamiye Sheykh Abii Muxamed Al-Jowlaani.