HomeAll newsTaliyayaasha Nabad sugidda iyo Booliska oo Laga xayuubiyay Xilalka.

Taliyayaasha Nabad sugidda iyo Booliska oo Laga xayuubiyay Xilalka.

Golaha wasiirada ayaa kullan degdeg ah oo maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen Ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weeraro khasaaro gaystay.

Kulanka Wasiirada ay yeesheen oo uu ka maqnaa Reysulwasaaraha Xukuumadda waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahad Maxamed Guuleed,

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan weeraro ka dhacay Muqdisho oo uu ugu danbeeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Naasa Hablood halkaasi oo lagu dilay in ka badan 50 ruux.

Wasiirada ayaa dood dheer kadib waxay xilalka ka qaadeen Taliyihii Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka  C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) iyo Taliyihii Ciidanka Booliska  Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Wasiirada ayaa sheegay in xilalka ragaasi ay sii heyn doonaan ku xigeenadooda.

xil ka qaadistaan oo aysan wali ka hadlin ragga laga qaaday ayaanan la ogayn waxa ay ka badali karto weerarada ka dhaca Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa dhawaan sheegay in Alshabaab ay hormariyeen Qaraxyada isagoo dhaliilay dowladaha shisheeye ee taageera Dowladda Federaalka.

Si kastaba ha ahaateen weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood ayaa banaanka keenay fashilka heysta Laamaha ammaanka waxaana weerarkaasi ku baxay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular