Warbixin uu qoray taliyaha ciidamada sirdoonka DF C/llhi Maxamad Sambaloolshe, laguna soo daabacay Wargeyska New York Times, ayuu ku soo bandhigay cabasho muuqata oo la xiriirta taag-darrida ka heysata xagga khibradda iyo qalabka marka ay timaado in lala mucaamilo weerarada qorsheysan ee uga imaanaya XSHM.
Sanbalooshe, oo u muuqaday inuu iska dhigayay nin khibrad xagga amniga leh ayaa u sababeeyay fashilka heysta sirdoonkooda arrimo ka baxsan awooddooda, waxaana uu tilmaamay halka ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ka laba jibbaareen maaddooyinka qaraxyada, ayna hor-mariyeen xeeladaha ay adeegsadaan in sirdoonka DF-ka uusan awood u laheyn xitaa inuu la soo baxo ama ka gun gaaro natiijada falalka marka ay dhacaan ka dib.
Tani waxay muujineysaa in sirdoonka DF aysan xor u ahayn iney macluumaad kasoo saaraan wax qabadkooda ama weerarada ay la kulmaan sababtuna ay tahay saraakiisha CIA-da ee Xalane deggan oo ku cadaadiya iney wax walba iyaga uga dambeeyaan.
Sanbalooshe oo qoraalkiisa ku soo bandhigay tiro koob ay ka sameeyeen qaraxyada Muqdisho ka dhacay iyo xaddiga ay gaarsiisnaayeen ayaa ku cataabay in khubarrada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaabul Mujaahidiin ay ka gudbeen waagii ay qaraxyada ka soo shuban jireen hubka kale sida RPG-yada iyo Hoobiyeyaasha, balse hadda ay si weyn u hormariyeen qaraxyada ay iyagu farsamayeen kuwaas oo meel waliba adduunka laga heli karo.
Iyadoo arrimahaas uu soo xusay aaney waxba ka qaban ayuu Sanbalooshe eed kala dul dhacay madaxdiisa sirdoonnada reer galbeedka iyo dawladaha aadka u taageera DF-ka, kuwaas oo sida ka muuqatay qoraalkiisa, mararka qaar yasmo kula dhaqma oo codsiyadooda aan wax jawaab ah ka bixin.
Tusaale, wuxuu sheegay bishi August ee sanadkan, isagoo matalaya sirdoonka Soomaaliya inuu qoraal codsi ah u gudbiyay Xafiisyada FBI-da Mareykanka, balse wax jawaab ah uusan ka helin qoraalkaas.
Sirdoonka DF-ka ayuu sheegay in wali habkii qarnigii 20-aad ay baaritaannada u sameeyaan xilli adduunka hormaray maanta la adeegsanayo hababka Electronika iyo qalabyo kale.
Wuxuu tusaale u soo qaatay in goobaha qaraxyadu ka dhacaan ay ka helaan raadad la daba-geli karo, balse khibrad xumadooda ay taasi ka dhigeyso wax aan macno laheyn, wuxuuna dalbaday in loo tababaro la mucaamilka qaraxyada, sawaaciqda, simcard-yada iyo agabyada kale ee laga yaabo in laga helo goobaha qaraxyada.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah, dhalleeceynta xooggan ee madaxa sirdoonka DF-ka uu u jeediyay hey’adaha sirdoon ee shisheeyaha taageera DF-ka, wuxuuna ku eedeeyay in aysan la wadaagin xogaha iyo natiijooyinka ka soo baxa baaritaanada, wuxuu kaloo xusay in halkii qof Soomaali ah uu baaritaanka sameyn lahaa in qof caddaan ah uu baaritaanka sameeyo oo dib danbe aan Soomaalida waxba loola socod siin.
Qoraalkiisa oo aad u dheeraa ayuu ku soo gunaanaday in wax horumar ah aan laga gaari doonin hakinta weerarrada Mujaahidiinta Al-Shabaab haddii Sirdoonka DF-ka uusan helin tababar ku filan, agab wax tar leh iyo khibrad dheeraad ah oo u sahli karta in sirdoonkoodu ay iyagu awood u yeeshaan sameynta baaritaannada iyo soo bandhigidda natiijooyinka halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen dawaldaha shisheeye.
Arrintan waxay muujineysaa inaanu dalka Soomaaliya ka jirin sir-doon Soomaaliyeed balse ay jiraan sirdoono u shaqeeya hey’adaha reer galbeedka.
Tusaale ahaan magaalada Muqdisho waxaa ka jira sirdoon hoos yimaada CIA-da oo loo bixiyay NISA, Puntland waxaa ka jira sirdoon hoos taga CIA-da oo la yiraahdo PSF iyo PIA, Somaliland-na waxaa ka jira sir-doon hoos yimaada Ingiriiska iyo Mareykanka oo la yiraahdo RRU.
Ciidamadan, ma qabtaa shaqadii sirdoon ee rasmiga ahayd sida:- in lala socdo dabinada dowladaha shisheeye, shirkadaha ajnabiga ah ee dalka soo galaya, saraakiisha ajaanibta ah ee dalka imanaya iyo wax yaabaha lamidka ah, taa badalkeedana waxay u go’een shaqo aanan tii lagu yaqiinay ahayn oo ah la dagaalanka argagixisada.