Waxaa aroornimadii hore ee saaka dalka Suuriya booqasho ku yimid Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ninka lagu magacaabo Muxamed Baaqri.
Taliyaha ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Nidaamka Suuriya Mujrimka lagu magacaabo Bashaar Al-Asad, Taliyaha ciidamada Nidaamka Bashaar, iyo wasiirka arimaha difaaca.
Waxay kawada hadli doonaan sida ay sheegayaan saraakiisha xukuumadda Iiraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka milliteri ee ka dhexeeya dowladda Iiraan iyo Nidaamka Asad, oo si isku mid ah ula dagaalamaya Jamaacadka hubeysan ee ka howlgala dalka Suuriya.
Wuxuu booqan doonaa mid kamid ah qabriyada ay Shiicadu weynayaan ee ku yaala magaalada Dimishiq.
Iiraan waxaa dalka Suuriya ka jooga ciidamo farabadan, iyo malleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo ay kasoo uruurisay Caalamka, kuwaas oo difaacaya jiritaanka maamulka Bashaar Al-Asad.
Boqollaal Askari oo tobanaan kamid ah ay yihiin saraakiil sar sare ayayna ku weysay dagaalka todobada sano ee xiriirka ah ka socoda dalka Suuriya.