HomeAll newsSheykh Abuu Muscab: Weerarkii Naasahablood Waxaan ku dilnay Inkabadan 70, Waana Sii...

Sheykh Abuu Muscab: Weerarkii Naasahablood Waxaan ku dilnay Inkabadan 70, Waana Sii Wadi doonnaa Weerarada.(Dhagayso)

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Cabdil Caziiz Abuu Muscab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta Islaamiga ayaa ka hadlay howlgalkii maalintii shalay lagu qaaday hotel Naashablood 2 oo ud how xarunta madaxtooyada dowladda federaalka.

Abuu Muscab wuxuu Shirkiisan jaraa’id oo socoday shan daqiiqo ugu horeyn ” Alle uga mahad celiyay inuu ka dhigay Mujaahidiin u dagaallamaya sidii ay u kor yeeli lahaayeen diintiisa iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka”.

Sheykh Cabdil Casiis Abuu Muscab wuxuu sheegay in labo howlgal oo is xig xigay ay shalay galab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoona cadeeyey in hadafka ugu weyn ee ay beegsaneyeen uu ahaa hotel Naashablood oo uu ku sheegay inuu ahaa meel ay isugu yimaadaan xubnaha katirsna dowladda, Siyaasiyiinta, noocyada kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna sheekhu sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay u maleynayeen in halkaas ay ku nabad helayaan.

Abuu Muscab ayaa sheegay in howlgalka lagu daah furay weerar Nafhurnimo ah oo uu fuliyay mid kamid ah guutada Naftooda hurayaasha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana markaas kadib hotelka u daatay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta.

Qarax labaad ayaa lagu weeraray ciidamo gurmad ahaa oo kusoo wajahnaa hotelka, kuwaas oo intooda ugu badan halkaas ku dhintay Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaal socoday 13 saacadood oo xiriir ah oo ka dhacay gudaha hotelka Naashablood 2 ayuu Sheekh Abuu Muscab sheegay iney ku dileen inkabadan 70 Ruux, oo isugu jira Mas’uuliyiin, saraakiil, ciidamo iyo Siyaasiyiin katirsan dowladda.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu fariin adag u diray dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinteeda, isagoona ugu hanjabay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordhin doonaan weerarada ay ku beegsanayaan xubnaha katirsan dowladda.

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Sheekh Abuu Muscab kagana hadlay weerarkii Naashablood 2.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular