Goordhow Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay magaalada Muqdisho ku toogteen Sarkaal sare oo katirsan kuwa u shaqeeya Imaaraatka ku sugan magaalada Muqdisho.
Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdulle Qooray, wuxuuna ahaa Macalin Tababare ah oo Tababri jiray ciidamada Soomaalida ee u shaqeeya Imaaraatka.
Xaafadda Xamar bile ee degmada Wardhiiglay ayaa lagu dilay Sarkaalkan Tababaraha ahaa, Raga dilka fuliyayna ayaana goobta si nabad ah uga baxsaday.
Xalay ahayd ahayd markii magaalada Kismaayo lagu toogtay Xillibaan katirsan maamulka “Jubbaland” oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xakiin Timo-Faras, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda dilkaas.