HomeAll newsSaraakiil Katirsan Sirdoonka Ruushka Oo lagu dilay dalka Shiishaan.

Saraakiil Katirsan Sirdoonka Ruushka Oo lagu dilay dalka Shiishaan.

Wararka ka imaanaya Jamhuuriaydda Shiishaan ayaa ku waramaya in weerar qorsheysan uu ka dhacay mid kamid ah saldhigyada ciidamada sirdoonka Ruushka ay ku leeyihiin dalka Shiishaan oo kamid ah wadamada uu Ruushku gumeysto.

Sarkaal katirsan ciidamada Sirdoonka Ruushka oo asal ahaan kasoo jeeda dalka muslimka ah ee Shiishaan ayaa rasaas ooga kaga qaaday tiro katirsan ciidamada Sirdoonka oo ay wada joogeen saldhig ciidan oo ku yaala gudaha dalkaas.

Ugu yaraan 4 Sarkaal ayaa ku dhimatay Rasaastaas,  waxaana markii dambe goobta lagu dilay sarkaalka dilka geystay oo ay toogteen ciidamada gurmadka deg dega ah oo goobta soo gaaray.

Lama oga sababaha rasmiga ee sarkaalkan asal ahaan kasoo jeeda Shiishaan uu laayo saraakiishan Ruushka ah ee jooga Shiishaan, waxaana macquul ah in qofka Weerarka fuliyay ay u cuntami weysay siyaasadaha dowladda Ruushka ee ka dhanka ah qadiyaha Muslimiinta.

Bishii Septembar ayay ahayd markii dalka Ruushka uu sarkaal asal ahaan kasoo jeeda dalka Daaqistaan uu dilay 3 Sarkaal oo Ruush ah, waxaana maalmo la raadinayay kadib markii dambe gacanta lagu dhigay sarkaalka dilka geystay oo isagana markii dambe la dilay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular