HomeAll newsSafiirkii Maraykanka ee Soomaaliya Oo Is Casilay.

Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya Oo Is Casilay.

Stephen Schwartz oo ahaa safiirkii Maraykanka  u fadhiyay dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqey inuu iska casiley xilka uu ka  hayay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka

Stephen ayaa ku micneeyey sababta uu Xilka isaga casiley iney tahay arin shakhsiyadeed, isagoona faafaahin intaas kabadan dhiibin.

bishii June ee sanadkii 2016 ayuu Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama wuxuu Stephen u magacaabay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna sidaas ku noqday safiirkii ugu horeeyey ee Ameericaan ah oo cagta soo dhiga dalkan tan iyo sanadkii 1991.

Is casilaada Stephen ayaa suuragal ah iney sabab u tahay culeeska ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya soo food saaray mudooyinkii ugu dambeeyey, kuwaas oo la kulmay weeraro culus, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab ay ku hanjbtay in si adag ay u wajihi doonto ciidamada Ameerikaanka ee Soomaaliya jooga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular