HomeAll newsQunsulkii Itoobiya Ee Muqdisho Iyo Mas’uuliyiin Kale oo Lagu Dilay Hotel Naasa...

Qunsulkii Itoobiya Ee Muqdisho Iyo Mas’uuliyiin Kale oo Lagu Dilay Hotel Naasa Hablood (Aqriso Magacyada)

Waxaa la helayaa magacyada Mas’uuliyiin iyo Saraakiil sar sare oo ku dhimatay howlgalkii Istish-haadiyada iyo Inqimaasiayda isugu jiray ee ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen casir liiqii shalay hotel Naashablood 2 oo u dhow xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay Weerarkan oo kor u dhaafaya 50 Ruux, waxay isugu jiraan Mas’uuliyiin dowladeed, Saraakiil sar sare oo ciidan, Xillibaanno horey, iyo kuwa kale.

Idaacadda Al-Furqaan waxay heshay qaar kamid ah magacayada Xubnihii kala duwanaa ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarka Naashablood 2.

Xubnaha Ku dhintay Howlgalka waxa kamid ah:

1. Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.

2. Korneel Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay 10 ilaaladiisa ah.

3. Xasan Buufoow oo ahaa  Korneel katirsan Nabadsugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.

4. Gaashaanle Bootaan oo  ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.

5. Madoobe Nuunoow oo ahaa Waziirkii arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.

6. Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Waziirka Amniga ee dowladda Federaalka.

7. Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xillbinaadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh kasoo noday Wasiiru dowle.

8. Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu amgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.

9. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabadsugida qeybta bari oo ah degmooyinka  Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis., waxaana xusid mudan inuu hogaaminayya ciidamada Dowladda ee dagaalka la galay ciidamada Mujaahidiinta ee la wareegay hotel Naashablood.

10. Cumar Boonkeey oo ahaa Waziiru dowlaha Qorsheynta & Dib u dhiska maamulka Koonfur Galbeed.

11. General Cabdi Raxmaan Khaliif Dhicis oo ahaa La Taliyaha Abaanduulaha ciidamada dowladda federaalka.

12. Cabdi Faarax, Duqii hore ee magaalada Baladweyne, wuxuuna hadda xil ka raadsanayay maamulka Hirshabeelle. (https://sportslogohistory.com/)

13- Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jira 3 Ruux oo Turki ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka ku sugnaa hotel Naasahablood 2.

Dhaawacyada Inta Magacyadooda la hayo:

1. Shariif Cabdi Cali oo ahaa Taliyaha howlgelinta kooxda Alpha Group o ah Malleeshiyaad Maraykanka u shaqeeya.

2. Cumar Cabdalla, (Burunteey) oo ahaa Abaanduulaha guud ee Ciidamada Alpha Group.

3. Maxamed Xasan oo ahaa Taliyaha guutada Waran.

4. Fanax, Taliyaha ciidamada dowladda ee  degmada Kaxda.

5. Laba Ruux  oo Turki ah ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay howlgalkii weynaa ee Naasahablood 2.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Nin ibliis la heshiiyey
    Hiile gaalka ka doon tay
    Rabigay ma hanuun shee
    Libna soo helimaayee
    Hanan maayo dhulkaygee
    Naftiisuu afrayaa yoo
    Hamigiisa dartiis buu
    Ku hantaataca yaayee
    Hufka siiye islaamku
    Haawaydii nagu duushay
    Hurimayso kufaartu
    Inuu Eebahay hoojay
    Hilbahooda dhurwaagiyo
    Haadaa loo warayaayee
    Haaway daa kiristaan kiyo
    Huwantii nagu duushay
    Halaag baa u dambee yoo
    Hilaal koodu dhacyoo
    Nabad soo hoyin waaye
    Halakay maanta marayso
    Rag naftoodi huraa
    Hindiseeyey dagaal kee
    Rabow noogu hagaaji
    Hadaf keena run taa iyo
    Yoolka aan higsanayno

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular