HomeAll newsMujaahidiinta Ansaaru Shareeca Oo Weerar Culus ka fuliyay gobolka Abyan ee Yaman.

Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca Oo Weerar Culus ka fuliyay gobolka Abyan ee Yaman.

Wararka naga soo gaaraya dalka Yaman ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee maanta ciidamo katirsan Mujaahidiinta AnsaaruShareeca ee hoos yimaada Al-Qaacida ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda taagta daran ee Haadi uu hogaamiyo.

Istish-haadi kaxeynayay gaari miineysan ayaa beegsaday ciidamo saldhig ka dhigtay xarun lagu magacaabo Al-Machad oo ku taalla bariga magaalada Muudiyah ee gobolka Abyan ee wadankaas Yaman.

Istish-haadiyada kadib waxaa xerada u daatay Inqimaasiyiin katirsan Ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo saldhiga ka bilaabay howlgal ay ku leynayaan ciidamada saldhiga joogay oo ahaa kuwa u shaqeeya Imaaraatka, islamarkaana xilliyada habeenkii ah fuliya howlgallo lagu argagax gelinayo dadka Muslimiinta ee guryahooda jiifa.

Dagaalka ayaa markii noogu war dambeysay wuxuu ahaa mid weli socda, islamarkaana dhexmaraya Mujaahidiinta Inqimaasiyiinta ah iyo kuwa xerada ku sugnaa ee la weeraray.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular