HomeAll newsMaydadka Askar Katirsan Maamulka Jubbaland Oo Jilib lagu soo bandhigay.

Maydadka Askar Katirsan Maamulka Jubbaland Oo Jilib lagu soo bandhigay.

Dagaal adag oo dhexmaray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buula-Guud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo ahaa mid adag waxaa wararka Al-Furqaan ay heleyso ay xaqiijinayaan in lagu dilay 8 Askari oo katirsan maamulka Jubbaland, iyadoona ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen dhowr Qori.

4 kamid ah Askarta laga dilay Axmed Madoobe waxaa meydadkooda lagu soo bandhigay magaalada Jilib ee gobolka Jubada hoose, iyadoona Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen 4 Qoray oo AK ah oo ay ku hubeysnaayeen Askarta meydadkooda lasoo bandhigay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular