HomeAll newsMasuul katirsan Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Masuul katirsan Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Goordhow waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay weerar lagu qaaday mas’uul katirsan dowladda Federaalka, kaas oo marayya mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Israa’iil oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda Gaadiidka ee dowladda federaalka ayaa la beegsaday isagoo maraya degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa qarsoon ee ka howlgala magaalada Muqdisho kana tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarkan fuliyay, waxaana dhaawac uu soo gaaray masuulka la weeraray ee Cabdullaahi  Israa’iil.

Howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo mas’uuliyiinta dowladda ayaana joogta ka ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular