HomeAll newsMadoobe Nuunow Oo kamid Noqday Mas'uuliyiin Sare Oo ku dhimatay Weerarka ka...

Madoobe Nuunow Oo kamid Noqday Mas’uuliyiin Sare Oo ku dhimatay Weerarka ka socoda Naashablood 2.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheykh Aadan ninka lagu magacaabo Madoobe Nuunow ayaa kamid noqday Tobanaan Ruux oo ku dhimatay howlgalka milliteri ee ka socoda hotel Naashablood 2 oo u dhow xarunta Madaxtooyada dowladda federaalka.

Madoobe Nuunow oo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii hore ayaa mar soo noqday Wasiir iyo Xillibaan, haatanna wuxuu ahaa wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhisan magaalada Baydhabo.

Wuxuu sidoo kale mar sheegtay inuu madaxweyne ka yahay maamul lix gobol ka kooban,  kaas oo kasoo horjeeday maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Nuunow ayaa kamid ahaa dadka ku sugnaa hotelka kahor inta uusan weerarku dhicin, waxaana Ilo gaar ah ay xaqiijinayaan in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee hotelka galay ay toogteen.

Khasaaraha ayaa saacadba saacadda ka dambyesa sii kordhaya, waxaana weli ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka dhex dagaalamayaan hotelka, iyadoona ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa Shisheeyaha ay ku guuleysan la’yihiin iney gudaha hotelka galaan.

Wixii Soo kordha kala soco rnaqlin.somservers.xyz

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular