Ismaaciil Haniyah madaxa xafiiska Siyaasadda ee Xarakada Xamaas ayaaa shaaciyay in heshiis ay wada gaareen iyaga iyo Xarakada Fatax, kadib kulamo xiriir ah oo ka socday magaalada Al-Qaahira ee caasimadda Masar.
Afhayeen u hadlay Haniyah ayaa sheegay in madaxa maktabka Siyaasadda uu shacabka Filastiin ugu bishaareynayo heshiiskaas, wuxuuna u mahad celiyay dowladda Masar oo uu sheegay iney iyadu dhex-dhexaadiye ka ahayd heshiiskan.
Waxaa la filayaa in wufuuda labada urur ee kulanka qaatay ay shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtaan duhurnimada maanta magaalada Al-Qaahira, iyagoona daaha ka rogi doona qodobada ay ku heshiiyeen.
Dhawaan ayaa heshiis horudhac ah oo ay wada gaareen Xamaas iyo Fatax waxay isku af garteen in maamulka Qazza lagu wareejiyo maamulka Maxmuud Cabaas Abuu Maazin, waxaana madaxa sar sare oo katirsan xukuumadda oo gaaray Qazza ay sheegeen in tallaabada ugu horeyso ay qaadi doonaan ay tahay iney hubka ka dhigaan kooxaha wax iska caabinta ee Filastiiniyiinta.