HomeAll newsInkabadan 10 Askari oo Maraykan ah Oo Lagu dilay Howlgal Fariid ah...

Inkabadan 10 Askari oo Maraykan ah Oo Lagu dilay Howlgal Fariid ah Oo Ka dhacay Afqanistaan.

Wararka ka imaanaya dalka Muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa xaqiijinaya in weerar qorsheysan oo si wanaagsan loo soo abaabulay lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Gumeysiga Maraykanka.

Mujaahid katirsan Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan oo Inqimaasi ah ayaa ku guuleystay inuu gudaha u galo saldhiga Siilaab oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Ghambiiri Daak  oo hoos yimaada degmada Gharqii ee gobolka Laqmaan oo dhaca bariga dalkas.

Mujaahidka oo hubeysnaa islamarkaana xirtay dareeska malleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul si aan loo fahmin ayaa halkaas ku dilay 13 Askari oo Maraykan ah isagoona dhaawacay 2 kale.

Weerarkan oo dhacay maanta oo Axad ah ayaa si aad ah looga hadal hayaa dalka Afqaanistaan.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Dabiixullaahil Mujaahid oo bayaan kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay iney dileen 13 Askari oo Maraykan ah markaas kadibna uu shahiiday Mujaahidka weerarka fuliyay oo kasoo jeeda degmada Khoojiyaani ee gobolka Nanjahaar.

Waa Isbuucii labaad oo Weeraro waaweyn oo dhiig badan ku daatay si xiriir ah uga socoda dhamaan gobollada dalka Afqaanistaan, waxaana weeraradu si isku mid ah u saameyeen Shisheeyaha iyo kuwa kabaqaadka u ah intuba.

Howlgalladan dhacaya ayaa qeyb ah howlgalka Al-Mansuuriya oo gugii lasoo dhaafya Golaha Shuurada ee Imaarada Islaamiga Afqaanistaan kaga dhawaaqay guud ahaan dalka Afqaanistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular