Inkabadan 13 saacadood oo xiriir ah oo uu howlgal ka socoday hotel Naashablood 2 islamarkaana ay gudaha ka dagaallamayeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa hadda soo gebegeboobay howlgalkaas.
Inta haatan la hubo waxaa khasaaraha ka dhashay weerarkii Naashablood 2 waxay gaareysaa dhimashada inkabadan 50 Ruux oo ka kooban Xillibaanno, Wasiiro, iyo saraakiil katirsan Laamahaa Sirdoonka ee dowladda federaalka.
Qaar kamid ah magacyada mas’uuliyiinta ku dhintay howlgalkan waxaa kamid ah Cabdi Naasir Gaarane oo horey u soo noqday Xillibaan, hadana kamid ahaa Saraakiisha milliteriga gaar ahaan gudiga Taakuleynta Ciidamada.
Madoobe Nuunow oo ahaa Wasiirka arimaha gudaha maamulk Koonfur galbeed ayaa sidoo kale kamid ah dadka ku dhintay howlgalkii Naashablood ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sheegatay.
Marba marka ka dambeysa waxaa la helayaa magacyo hor leh oo ku biiraya dadka ku dhintay weerarkii Naashablood 2 oo kamid ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, waxaana burburka hotelka laga soo saarayaa meydad iyo dhaawacyo garaab ah.
Saraakiisha dowladda federaalka ayaa sheegay iney halkaas ku dhinten raggii weerarka soo qaaday oo aan tiradooda la heynin.
Guud ahaan hotelka Naashablood 2 oo uu lahaa wasiirka Amniga dowladda Maxamed Abuukar Islow ayaa burburay, waxaana dadka Reer Muqdisho ay sheegeen in qaraxu ahaa mid aad u weyn.
Waxaa laga yaabaa faafaahin dheeraad ah iney kasoo baxdo weerarkan, Akhristayaasheenana waxaan u ballanqaadeynaa inaan usoo gudbin doonno Inshaa’Allaah wixii soo kordha.