HomeAll newsGaryare: "Wax Dad Loo Ekeysiiyay Ayaa Beeraha Lagu Waardiyeeyaa DF-kuna Waa Sidaas"...

Garyare: “Wax Dad Loo Ekeysiiyay Ayaa Beeraha Lagu Waardiyeeyaa DF-kuna Waa Sidaas” (Dhageyso)

Suldaan Muxamad Ibraahiim Garyare oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu xilligan gumeysi ku jiro isagoo meesha ka saaray inuu dalku dowlad leeyahay.

“Dadka marka ay rabaan iney shimbiraha beeraha ka celiyaan beerta dhexdeeda ayaa waxay ka taagaan qoryo wax qof u egna waa ka taagaan marka dadka dowlad noocaas ah aya lagu mashquuliyay” ayuu yiri’ Suldaanku.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in waayadii hore Somaliland oo kaliya lagu eedeyn jiray iney kaligeed is takoortay laakin ay maanta muuqanayso in dhammaan maamuladii shisheeyuhu dhisay mid walbaahi goonidiisa ula tacaamulo xabashida iyo shisheeyaha kale.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in ummada wacyigeeda uu kor usoo kacayo ayna ku baraarugtay in dalka la haysto, wuxuuna ku baaqay in qof walba uu kaalintiisa ka qaato sidii loo samata bixin lahaa dalkan duullaanka qayaxan lagu soo qaaday.

Halkan Ka Degso Wareysiga Suldaan Muxamad Gar-yare

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular