HomeAll newsFaafaahin: 100 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Weerar Qorsheysan oo...

Faafaahin: 100 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Weerar Qorsheysan oo ka dhacay gobolka Abyan ee Yaman.

Camaliyad Istish-haadiyo iyo Inqimaasi isugu jirtay oo maalintii shalay ka dhacday gobolka Abyan ee dalka Yaman ayaa laga helayaa faafaahin dhameystiran oo la xiriirta khasaaraha uu sababay howlgalkaas.

Boga Ansaaru Shareeca ee barta Internetka ayaa lagu soo qoray tafaasiil dheeraad ah oo la xiriirta weerarka, tirada raga fuliyay, iyo khasaaraha ku gaaray malleeshiyaadka ay Imaaraatka tababaraan ee la weeraray.

Sarkaal katirsan Ciidamada Amaanka Mujaahidiinta AnsaaruShareeca oo hadlay ayaa sheegay in Istish-haadi kaxeynayay Gaari miineysan uu beegsaday xarun ciidan oo ku taalla machadka Al-Mihani oo ku yaala bariga magaalada Muudiyah ee gobolka Abyan.

Camaliyadda Istish-haadiyada ayaa sababtay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidamadii halkaas oo ku sugnaa oo katirsan malleeshiyaadka Xizaamul Amniga oo ah malleeshiyaad maxalli ah oo ka amar qaata  Imaaraatka Carabta oo kamid ah isbaheysiga carbeed ee howlgalka loogu magac daray Rajo soo celinta kawada dalka Yaman.

Sida uu sheegay sarkaalka katirsan Mujaahidiinta ee la hadlay Iclaamka Ansaaru Shareeca, waxaa Istish-haadiya kadib gudaha xerada u daatay 4 Mujaahid oo Inqimaasiyiin ahaa, kuwaas oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana goobta ka dhacay dagaal saacad kaamil ah socoday.

Dhowr jeer waxaa xerada la weeraray soo gaaray ciidamo gurmad ah oo katirsan malleeshiyaadka Xizaamul Amniga, balse Raga Inqimaasiyiinta ayaa kala hortagay dagaal adag, iyadoona jab iyo hoog la gaarsiiyay.

Ugu yaraan 50 Askari oo Saraakiil sar sare ay ku jiraan ayaa ku dhintay howlgalkan fariidka ahaa, waxaana dhaawacmay kudhowaad 50 kale oo iyaguna Askar iyo Saraakiil ka koobnaa, iyadoona markii dambe 4-tii Mujaahid ee Inqimaasiyiinta  ahaa ay shahiideen.

Ciidamada la weeraray ayaa ahaa malleeshiyaad si gaar ah u tababaran islamarkaana xilliyada habeenkii ah fulin jiray howlgallo lagu baarayo guryaha dadka Muslimiinta, waxaana dhowr mar ay ku kaceen gabood fallo xanuun badan, taas oo soo dedejisay jawaabta ay ka bixiyeen Mujaahidiinta oo dhiig lagu saxiixay.

AnsaaruShareeca ayaa sheegtay in Camaliyadan ay tahay jawaabtiii koowaad oo ay ka bixiyaan dhibaatooyinka malleeshiyaadka Imaaraatku tababaray kula kacayaan dadka Muslimiinta ah, iyadoona ku hanjbtay camaliyaad midan lamid ah ama kuwa kasii xanuun badan.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa dalka Yaman waxay ka dhistay ciidamo si gaar ah u hoos yimaada, kuwaas oo ay qaati ka taaganyihiin dadka Muslimiinta, waxay koonfurta Yaman ka dhistay xabsiyo gaar ah oo lagu tacdiibiyo dadka Muslimiinta ah, waxaana ay wadaa qorshe ay ku dooneyso iney ku kala qeybiso koonfurta iyo Wuqooyiga Yaman, iyadoona dhowr jaziiradood oo muhiim ah oo ay kamid tahay Jaziiiradda Miyoon ay gacanta ku dhigtay, waxaana ay ka dhiseysaa saldhigyo milliteri sida lagu arkay muuqaal uu baahiyay tvga Qadar laga leeyahay ee Aljazeera.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular