HomeAll newsEng Idiris: "Mechal Ketin Wuxuu Aflagaado U Geystay Ummada Soomaaliyeed" (Dhageyso)

Eng Idiris: “Mechal Ketin Wuxuu Aflagaado U Geystay Ummada Soomaaliyeed” (Dhageyso)

Siyaasiga Idiris Xassan Faarax oo kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Filand ayaa ka war-bixiyay kulan dhex maray iyaga iyo ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mechal Ketin kaasoo aaraa’ iyo su’aalo la isku dhaafsaday.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaad fara ku tiris ah ay fadhiga uga keceen marki uu ergaygu soo galayay madasha shirka taasoo keentay inuu durbadiiba dareen galo, waxaana intaas xigay sida uu Injineerku sheegayo in uu ummada Soomaaliyeed ugu gefay khudbad uu jeediyay.

“Ketin ayaa ummada Soomaaliyeed ku tilmaamay dad aanan jirin oo liita” sidaasi waxaa yiri’ Idiris oo intaasi ku daray iney jireen su’aalo adag oo la weydiiyay, ayna kamid ahayd waxa ay qaramada midoobay Soomaaliya u keeneen dowladaha cadawga ee dariska ah iyo kuwa kale.

Halkan Ka Degso Wareysiga Idiris Xassan Faarax

 

 

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular