HomeAll newsDowladda Ingiriiska oo sheegtay iney ku faaneyso kaalinta ay ka qaadatay dhisida...

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay iney ku faaneyso kaalinta ay ka qaadatay dhisida maamulka Yahuudda.

Trezy May haweeneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney u dabaal degi doonto sanad guuradii boqolaad ee kasoo wareegtay ballanqaadkii Balfoor ee ahaa inuu Yahuudda u dhisayo dowlad matasha, taas oo uu ka dhabeeyay.

Trezay May oo ka hor hadleysay baarlamaanka Ingiriiska ayaa sheegtay iney ku faaneyso ballanqaadkaas uu sameeyey wasiirkii arimaha dibadda Ingiriiska sanadkii 1917-dii, ayna tahay arin lagu faano dowrka Dowladda Ingiriisku ka qaadatay dhisida kayaan matala Yahuudda oo laga hirgeliyay dhulka Filastiin.

Dhowr mar oo hore ayaa dowladda Ingiriiska waxaa cadaadis lagu saaray iney cudur daar ka bixiso ballantii Balfoor,  balse way ka biya diiday, waxaana dhacdadaas ay ku tilmaamtay iney tahay mid taariikhi ah oo la xiriirta jiritaanka dowladda Ingiriiska, islamarkaana aysan ka cudur daaraneynin.

1917-dii ayaa Wasiirkii arimaha dibadda ee Ingiriiska Arther James Balfor wuxuu sheegay inuu doonayo in la helo wadan madax banaan oo ay leeyihiin Yahuudda, waxaana hadalkaas uu noqday tallaabadii ugu horeysay ee Reer galbeedku u qaadaan in Yahuudda dhul Muslimiintu leeyihiin xoog lagu deegaameeyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular