HomeAll newsDhagayso: Tarjamada Afsoomaaliga Waraysi Sheykh Abuu Muscab Cabdul-Waduud siiyay Majalladda INSPIRE.

Dhagayso: Tarjamada Afsoomaaliga Waraysi Sheykh Abuu Muscab Cabdul-Waduud siiyay Majalladda INSPIRE.

Cadadkii 17-aad ee ugu dambeeyey Majaladda Inspire waxay kusoo gudbisay waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya islamarkaana ay la yeelatay mid kamid ah Rug cadayaasha Jihaadka Caalamiga ee ka socoda dunida.

Sheykh Abuu Muscab Cabdul Waduud oo ah amiirka guud ee Mujaahidiinta Al-Qaacida Maqribul Islaam ayaa waraysigan uu siiyay Majalladda qaabilsan boorinta Muslimiinta ee INSPIRE wuxuu kaga hadlay Taariikh nololeedkiisa, magaciisa oo rasmiga ah, halka uu kasoo jeeda, xilliga uu dhashey, waqtiga uu kusoo biiray masiirada Jihaadka, iyo howlaha uu soo qabtay.

Wuxuu sidoo kale Sheekhu ka hadlay Istiraatiijiyada guud ee Al-Qaacida ee ku dhisan beegsashada Maraykanka, isagoona ka faallooday Najaaxa Istiraatiijiyadan uu dejiyay Sheykh Usaama bin laadin.

Sheekh Abuu Muscab wuxuu sidoo kale ka hadlay Jihaadka ka socoda Maqribul Islaam iyo halka uu marayo, isagoona dhanka kale soo hadal qadaay weerarada kaligii duulnimada ee sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay wadamada Reer galbeedka.

Waraysiga uu Sheekha bixiyay oo qoraal ahaa ayaa Idaacadda Islaamiga ah Al-Furqaan waxay u tarjumtay cod, iyadoo ay ku codeynayaan Wariyaal katirsan Idaacadda oo Su’aalaha Majaladda iyo Jawaabaha Sheykha kala qaatay.

Hadaba hoos ka degso Waraysigan oo ah mid muhiim ah, fariimo dhaxalgal ahna loogu diray guud ahaan Mujaahidiinta Caalamka iyo Muslimiinta.

Halkan ka dhagayso Tarjamada Waraysi Majallada Inspire la yeelatay Sheykh Abuu Muscab Cabdul Waduud

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular