Daqiiqado kahor waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose lagu toogtay Xillibaan katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiye Axmed Madoobe.
Xillibaanka la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xakiin TimoFaras, waxaana diley ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku sugan magaalada Kismaayo.
Xillibaanka waxaa la weeraray isagoo maraya Somali Star.
Raggii dilka geystay ayaa durba goobta isaga baxsaday.