Iyadoo dowladda federaalka ah umadda soomaaliyeed ugu baaqday in ay ciidamadeeda shisheeyaha u daacadda ah mushaarkooda bixiso ayaa indheer garadka iyo aqoon yahanada iyo culumada diinta islaamku waxay ka digayaan in la maal geliyo ciidan ka bar dagaalamaya shisheeyaha duulaanka soo qaaday ee dalka intiisa badana gacanta ku haya.
Aqoon yahan cabdulqaadir cali yaroow oo u dhuun daloola siyaasadda gurracan ee soomaaliya ceelka dheer lagu ridayo ayaa umadda soomaaliyeed kula dar daarmay in aanay dhaqaale u hurin ciidanka shaqadiisu tahay barnaamijka argagixiso la dirirka la yiraahdo ee ay ka faa’iideysanayaan reer galbeedka iyo dalalka kale ee soomaaliya in ay bohol ku ridaan doonaya.
Asigoo u waramayay Radio alfurqaan ayuu sheegay in aanay suura gal ahayn in lacag la siiyo ciidan ka garab dagaalamaya gumeystaha lidna ku ah diinta islaamka gabdhaha soomaaliyeedna qaar kufsanaya qaarna inta afduuba shisheeyaha u gaeynaya si uu u kufsado.
Aqoon yahanka ayaa ku taliyay in si heer sare ah loo fikiro waxaanuu qiray in qof walba oo askarta iminka joogta ee ciidan qaran lagu sheegay lacag siiyaa eedayo maxaa yeelay buu yiri ciidanka qudhiisa ayaa ku dilaya oo shacabka laynaya aakhirana wixii aad siisay waa lagu su’aalayaa waana laguugu cadaabayaa.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah maxamed cabdulaahi farmaajo iyo ra’iisalwasaarihiisa xasan cali khayre ayaa horay u balan qaaday in ciidanka iyo waaxaha kale ee dowladda s daacadda ay hogaanka u yihiin bil waliba ay mushaarka sii doonaan laakiin taas ayaa meesha ka baxday oo iminka waxaa laga cabanayaa mushaar la’aan baahsan.
Waxaa dad badan ay la yaabeen ciidanka loo tuugsanayo iyadoo la og yahay in maamulka sare dhaqaale fara badan soo galo waxaana meeshaa ka muuqata in musuq maasuq xad dhaaf ah uu jiro oo wixii qarash ah ee la helo loo qeybiyo, bar qaanado lagu shubto iyo bar loo isticmaalo in dad lagu laaluusho.
HALKAAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA CABDULQAADIR CALI YAROOW 11 10 2017
RADIO ALFURQAAN