Qarax culus ayaa lagu weeraray Ciidamo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya oo marayay deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Miino dhulka lagu aasay ayaa la kacday ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Burundi, waxaana goobta dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro kamid ah Askarta Afrikaanta ee la weeraray.
Dad Goobjoogayaal ah waxay Idaacadda Al-Furqaan u xaqiijiyeen iney arkayeen ciidamo meydad ah iyo kuwa dhaawacmey oo lagu daabulayo gawaari dagaal, loona qaaday dhanka Ceelasha Biyaha.
Xog la helayo waxay tilmaameysaa in ugu yaraan 3 Askari oo Burundi ah ay ku dhinteen qaraxaas, halka ay jiraan askar oo kale dhaawacantay.
Qaraxan oo Khasaare adag gaarsiiyay Shisheeyaha ayaa goordhow wuxuu ku dhacay deegaanka Carbiska oo u dhexeeya deegaanka Lafoole iyo degmada Afgooye.