Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda kuwaas oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Basra oo u dhexeeya Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha hoose iyo Dhexe.
Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada la weeraray ee Dowladda Federaalka.
Ilo Xog ogaal ah oo u waramay Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan dhimashada 6 Askari oo katirsan dowladda.
Waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gacanta ku dhigeen 7 Qori oo AK ah.
Weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda ayaa soo badanaya mudooyinkii dambe, waxaana Al-Shabaab ay ku hanjbtay iney kordhin doonto beegsashada ciidamada Soomaalida maadaama ay daaleen kuwa Shisheeyaha ayna isku diyaarinayaan iney ka baxaan dalka Soomaaliya.