HomeAll newsCiidamada Shisheeye Oo Dad Ku dilay Degmada Lafoole.

Ciidamada Shisheeye Oo Dad Ku dilay Degmada Lafoole.

Ciidamo katirsan Shisheeyaha ayaa dad Shacab ah waxay ku dileen degmada Lafoole ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamo katirsan Shisheeyaha oo Askar looga dilay qarax lagula beegsaday Carbiska ayaa iyagoo careysan waxay gudaha u galeen xaafado kamid ah degmada Lafoole, waxaana ay dileen dhowr Ruux.

Ugu yaraan 11 Ruux ayay ciidamada Shisheeyaha ku dileen Xaafadaha Carbiska, waxaana weli ay wadaan gumaadka ka dhanka ah dadka Shacabka.

Xaalad kacsanaan iyo cabsi ayaa ka jirta xaafadaha hoosyimaada Lafoole sida Carbiska, waxaana dadku ay ka baqdin qabaan in Shisheeyaha dad hor leh oo shacab ah ay dilaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular