Kadib Aftidii dhawaan ka dhacday gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq, taas oo Kurdiyiintu u codeeyeen iney noqdaan dowlad madax banaan, waxaa tallaabadaas si adag uga horyimid dowladda Rawaafida ee ka dhisan magaalada Baqdaad.
Xeydar Al-Cibaadi Ra’iisul wasaaraha dowladda Ciraaq wuxuu sheegay ineysan ogolaan doonin kala qeybinta dalka Ciraaq, ayna u huri doonaan wax weliba.
Ciidamada Rawaafida Ciraaq oo taageero ka helaya malleeshiyaadka Shiicada ayaa ku taqadumaya jihada magaalada Karkuuk ee hodanka ku ah Naftada, waxaana ay la wareegeen deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca duleedka magaalada Karkuuk.
Lajnada arimaha warfaafinta ee ciidamada xukuumadda Ciraaq ayaa war ay sooo saartay waxay ku sheegtay in ciidamadoodu la wareegeen deegaannada buundada Khaalid, Marinka Maryam biik ee meelo kale.
Howlgalkan socoda waxaa loogu magac daray howlgalka amni soo celinta magaalada Karkuuk.
Maamulka Kurdistaan oo hadlay wuxuu beeniyay in deegaanno lagala wareegay, wuxuuna sheegay iney iska caabiyeen ciidamo katirsan xukuumadda Ciraaq oo duulaan kusoo qaaday.