HomeAll newsCiidamada Itoobiya Oo lagu weeraray Gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya Oo lagu weeraray Gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaray Wilaayada Islaamiga ee Bakool waxay xaqiijinayaan in ciidamada Itoobiya ee gobolkaas ku sugan saacadihii lasoo dhaafay ay la kulmeen weerar dhiig uu kaga daatay.

Ciidamo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax miino waxay la eegteen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku safrayay duleedka degmada Waajib ee gobolka Bakool.

Qaraxa wuxuu haleeley gaari Uural ah oo Itoobiyaan badan ay saarnaayeen, waxaana qaraxa kadib goobta ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta oo kamiin kaga jiray wadada, iyo kuwa Xabashida Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee weerarka la kulmay ayaa kusii jeeda deegaannada Soomaali galbeed ee Itoobiya ay xooga ku heysato, halkaas oo dhawaan ay ka keeneen Sahay ciidan, waxaana weerarkan uu yahay kii labaad oo muda labo maalin gudahood ay la kulmaan ciidamada Itoobiya.

Weerarkii hore waxaa ciidamada Itoobiya uga dhintay saraakiil Miina baarayaal ah iyo ciidamo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular