Qarax culus oo ah noocyada lagu aaso hareeraha wadada ayaa lala eegtay Gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.
Qaraxa oo ahaa mid culus islamarkaana xooganaa ayaa basbeeliyay Gaariga, waxaana ka dhashey khasaare xoogan.
Askartii saarnaa Gaariga ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo.
Beegsashada ciidamada Soomaalida ee Shisheeyaha ku daaban ayaa maalmihii dambe sii korortey, waxaana muuqata in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay markan xooga saareysa iney duruus adag u dhigto cid weliba oo Shisheeyaha garab taagan.