Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax culus lala eegtay ciidmao katirsan Shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo u dhow magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana lasoo warinayaa khasaare soo gaaray ciidamo ka socoda Dowladda Burundi oo qeyb ka ah shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya jooga tan iyo sanadkii 2007.
Labo Askari oo Burundes ah ayaa dhimatay, halka ay dhaawacmeen tiro kale, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo macluumaad laga helayo.