HomeAll newsAfhayeenkii Wasaaradda Amniga oo Xilka Iska casilay.

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga oo Xilka Iska casilay.

Axmed Sayid Carab oo ahaa Afhayeenkii Laamaha Amaanka ee dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqay Is casilaad deg deg ah.

Axmed oo illaa iyo hadda ka hadlin sababaha rasmiga ah ee ku riixay inuu xilka isaga dego ayaa durba markii uu xilka ka degay afka saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Markiisii hore ayuu Axmed ahaa Afhayeenka maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo, waxaana uu ku daba feylayaa saraakiil sar sare oo maalmihii ugu dambeeyay iska casiley jagooyinkii ay ka hayeen dowladda federaalka.

Waxaa Saraakiishaas ka mid ah Taliyihii guud ee ciidamada dowladda Jeneraal Cirfiid, iyo wasiirkii gaashandhiga dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular