HomeAll newsYahuudda iyo  Maraykanka Oo Saldhig Milliteri oo Wadajir ah ka furtay dhulka...

Yahuudda iyo  Maraykanka Oo Saldhig Milliteri oo Wadajir ah ka furtay dhulka Filastiin.

Markii ugu horreysay maamulka xooga ku heysta dhulka Filastiin ee Yahuudda iyo Dowladda Maraykanka ayaa furtey saldhig milliteri oo wadajir ah, kaas oo ku yaala dhulka ay Yahuuda ku heysato ee ay leeyihiin Mulsimiinta Filastiin.

Saldhigan oo ah mid milliteri isalamrkaana si wadajir ah ay ugu suganyihiin Ciidamo Maraykan ah iyo kuwa  Yahuud ah ayaa ku yaala meel aan la cayimin koonfurta dalka Filastiin ee ay Yahuuda xooga ku heystaan.

Jeneral Tazfica oo  ah madaxa ciidamada Yahuudda ee difaaca Sawaariikhda ayaa xaqiijiyay in iyaga iyo saaxibadooda Maraykanka ay furteen saldhig wadajir ah, wuxuuna xaqiijiyay in calanka Maraykanka uu kudul babanayo saldhiga.

Saldhigan oo ah midkii ugu horeeyay oo si wadajir ah u furtaan Yahuudda ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Yahuudu ku jabeen dagaalkii 2014 ku qaadeen Qazza, hadana ay dareemayaan halis uga imaaneysa dhanka kooxaha wax iska caabinta dalka Filastiin.

WUxuu sidoo kale kusoo beegmayaa saldhigan la furay iyadoo dhawaan la filayo in dalka Maraykanka kulan ku yeeshaan Ra’iisul wasaaraha Yahuudda iyo Madaxweynaha dhimirka qaba ee Donald Trump.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular