Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalka lagu magacaabo Baarma ayaa la kulmaya dhibaatooyin xanuun badan iyo gabood fallo ay adagtahay in la tilmamao, kadib markii ay isku baheysteen ciidamada dowladda Baarma iyo Buudiyiinta Islaam nacaybka uu xididada ka galay.
Maalmihii tagay Taqaariirta iyo warbixinnada ka imaaneysa gobolka Araakaan ee ay Muslimiintu leeyihiin, kaas oo dowladda Baarma ay ku magacawdo Raakhiin ayaa xaqiijinaya dhimashada kumanaan Ruux, iyo dhaawaca tira kale, iyadoona intii hartay ee Muslimiin ah ay guryahooda ka barakaceen.
Dowladda Baarma ayaa ku andacooneysa in dadka ay leyneyso ay yihiin Argagaxiso mudan in la xasuuqo, waxaana jirin war rasmi ah oo lag hayo hay’daha sheegta Xuquuqda Insaanka maadaama dadka la leynayo ay yihiin Muslimiin.
Dowladda Buudiyada ayaa sanadkii 1982 waxay Muslimiinta Baarma ka riday jinsiyadda dalkaas, iyagoona ku tilmaameysa iney yihiin soo galooti u dhashey dalka Bangaladesh, waxaana Muslimiintu oo lagu qiyaaso illaa 4 Milyan ay markoodii hore ahaan jireen dowlad madax banaan.
Gumaadka hadda socoda wuxuu soo billowday 25 Ogosto ee sanadkan, waxaana illaa iyo hadda tirada shuhadada ay mareysaa 6334 Ruux, halka dhaawacyada ay gaareen 8349 Ruux.
Haweenka Muslimaadka ee cafiifaadka ah ayaa la kulmaya gabood fallo iyo kufsi argagax badan, waxaana Haween Muslimaad ah oo soo gaaray dalka Bangaledesh ay xaqiijiyeen in la kufsaday, iyadoona Urur ay ku mideysanyihiin Jmaciyaadka Muslimiinta Rohingiya uu xaqiijiyay in 500 oo haween ah lagu tuntay Cirdigooda illaa iyo hadda.
23250 Guri ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana gebi ahaanba basbeelay 103 Tuulo oo kamid ah tuulooyinka ay degaan Muslimiinta.
Tirada dadka soo barakacay ee gaaray dalka Bangaladesh waxay mareysaa 145000 oo Ruux (boql iyo afartan iyo shan kun), iyadoona 190000 oo kale ay weli ku xanibanyihiin inta u dhexeysa gobolka Araakaan iyo Bangladesh.
Masaajida iyo goobaha cibaadada ayaa kamid ah meelaha sida xun loo galay, islamarkaana Buudiyiintu necebyihiin iney isha saaraan, waxaana la dumiyay 250 Masjid iyo 80 Dugsi oo lagu baranayay diinta Islaamka.
Muslimiinta Rohingiya ee sidan loo xasuuqayo waxay ugu yaraan naga mudanyihiin inaan u duceyno waqti weliba gaar ahaan xilliyada ducadu maqbuulka tahay, waxaana cidii awood leh laga rabaa iney ugu hiiliso Naf, Maal iyo wax weliba oo ay heli karto.