HomeAll newsSarkaal muqdisho lagu dilay.

Sarkaal muqdisho lagu dilay.

Sarkaal ka tirsanaa dowladda federaalka ah ayaa saaka lagu dilay degmada boondheere ee magaalada muqdisho.

Dilka sarkaalkaan oo ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ayaa miina loo adeegsaday taasoo la kacday gaari uu watay.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa mudda kadib goobta tegay waxaana la sheegayaa in ay ka qaadeen meydka saaxiibkood oo magaciisa lagu soo gaabiyay abuu shiine.

Dilalka ka dhanka ah saraakiisha iyo madaxda kale ee dowladda federalaka ka tirsan ayaa ku sii kordhaya magaalada caasimadda ah kuwaasoo ay geysanayaan ciidamada xarakada mujaahidiinta alshabaab.

Shalay iyo dorraad waxaa la dilay laba gudoomiye waaxeed oo ka kala tirsanaa maamulada degooyinka xamar jajab iyo hodan.

Waxaa kale oo dhawaan la dilay saraakiil muhiim u ahaa dowladda federaalka iyo shisheeyaha dalka ku soo duulay kuwaaso uu ku jiray taliyihii nabad sugidda  degmada kaxda ee magaalada muqdisho.

 

Radio alfurqaan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular