HomeAll newsGudoomiye Waaxeed Ka Tirsan Degmada Xamar Jajab oo La Toogtay.

Gudoomiye Waaxeed Ka Tirsan Degmada Xamar Jajab oo La Toogtay.

Guddoomiye waxaadeed ka tirsaneyd degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka aroortii lagu dilay Buundada1-aad ee Degmadaas.

Goob jooge ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogteen haweeneyda gudoomiyaha ah oo lagu magacaabo Foos Maxamad Xuseyn.

Sarkaal ka tirsan DF oo ay soo xiganayaan war-baahinta ayaa sheegay in raggii falka dilka geystay ay si nabad galyo ah ku bexeen kadib markii ay shaqadooda dhameysteen, balse waxaa uu xusay in ay muddo kadib goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Ciidamada ayaa baaritaan ka billaabay xaafadda 1-da May ee Degmada Xamar Jajab kadibna waxay ku laabteen saldhigga.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmhan kusoo kordhayay Magaalada Muqdisho waxaana shalay degmada Dharkenley lagu dilay Taliyihii Nabad sugidda Kaxda iyo ilaaladiisa oo uu ku jiray askari adeerkiis ah. Waxaa muuqanaya in DF ay ku fashilantay ammaanka magaalada Muqdisho.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular