Maalmihii tagay diyaaradaha Ruushka ayaa duqeymo cadowtooyo oo farabadan waxay ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Idlib iyo Xammaah, oo qeybo kamid ah ka madax banaan gacanta Nidaamka Nusayriyada.
Sida ay sheegayana raga soo tabiya wararka Suuriya, waxay duqeymaha dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay gaarayaan 130 duqeymo oo ay fuliyeen diyaaradaha Nidaamka mujrimka ah iyo Dowladda Ruushka.
Duqeymahan ayaa intooda ugu badan beegsaday xarumaha Caafimaadka, goobaha dadweynaha iyo meelaha ay deganyihiin kooxaha difaaca madaniga ee marka ay dhacaan duqeymaha u gurmada dadka Muslimiinta.
Magaalooyinka ay duqeymuhu ka dhaceen waxaa kamid ah Khaan-Sheykhuun, Jabalu-Saawiyah, Macaratu-Nucmaan, Sakiik, Kafarniil iyo kuwa kale, waxaana ka dahshey dhimasahda iyo dhaawaca tobanaan Ruux oo dadka Muslimiinta katirsan.
Duqeymahan cadowtooyo ee ay fulinayaan nidaamka Mujrimka ah iyo Ruushka ayaa imaanaya iyadoo shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Asitaana ee u dhexeeyay qaar kamid ah kooxaha sheegta Mucaaradka iyo Nidaamka Mujrimka iyo Ruushka oo dhinac ah ay kasoo baxeen qodobo ay kamid yihiin in la joojiyo xabadda, islamarkaana Ruushka iyo Iiraan ay yihiin dowladaha damaanad qaadaya meel marinta qodobadaas.
Shacabka Muslimka ah ee Suuriya ayaa arinkaas aad uga horyimid, waxaana ay sheegeen in ragga ka qeybgalay kulankaas aysan matalin Reer Suuriya, halka Mujaahidiinta Shaam ay bilaabeen dagaallo waaweyn oo ka socooda gobolka Xammaah, kaas oo lagu diidanyahay qodobada kasoo baxay shirka Asitaana.