Dhacdo naxdin leh ayaa laga soo sheegayaa dalka Masar, taas oo xaqiijineysa geeriyda maxbuuskii ugu weynaa Caalamka oo ku geeriyooday xabsi ku yaala dalka Masar oo uu gacanta ku hayo dhiigyacabka Siisi.
Sida ay sheegtay Calyaa oo ah gabar uu dhalay murshidkii hore ee Ikhwaanul Muslimiinka Muxamed Mahdi Caakif, aabaheeda ayaa ku geeriyooday mid kamid ha xabsiyada sumcada xun ee lagu tacdiibyo maxaabiiista.
Muxamed Mahdi Caakif ayaa gacanta lagu dhigay sanadkii 2013, markaas oo dalka Masar uu ka dhacay Afgembi milliteri oo xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Muxamed Mursi.
Caakif ayaa sanadihii lasoo dhaafeyba wuxuu la daalaa dhacayay xanuuno kala duwan oo ku dhacay intii uu xirnaa, waxaana maamulka Siisi uu diiday in uu helo Caakif daryeel caafimaad wuxuu doonaba ha ahaadee.
Arinta la yaabka leh waxay tahay in Ciidamada Amaanka Maamulka Siisi ay diideen in salaad Janaaso ah lagu tugto Muxamed Caakif, meydkiisana ay ku wareejiyaan ahalkiisa si ay iyagu u aasaan, balse waxay Looyarkiisii u sheegeen in kaliya la ogolyahay in caruurta uu dhalay iyo xaaskiisa ay yimaadaan xabsiga, si meydkiisa u arkaan.
Hay’adaha sheegta Xuquuqda Insaanka ayaa Nidaamka Siisi ku eedeysay inuu ku kacayo gabood fallo kala duwan oo ka dhan ah shacabka iyo maxaabiista ku xiran xabsiyada qarsoodiga, waxaana la diiwana geliyay kumanaan dhacdo oo oo xadgudub ah.