HomeAll newsKudhowaad 30 Askari oo Maraykan ah Oo lagu dilay dalka Afqanistaan.

Kudhowaad 30 Askari oo Maraykan ah Oo lagu dilay dalka Afqanistaan.

Naftii hure katirsan guutada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan ayaa weerar Nafhurnimo wuxuu ku qaaday kolonyo ciidamo Maraykan ah oo marayay meel kamid ah gobolka Barwaan ee dalka Afqaanistaan.

Istish-haadiga weerarka fuliyay oo lagu magacaabo Axmed kana soo jeeda gobolka Baktiika ayaa beegsaday isagoo kaxeynayay gaari miineysan kolonyo ciidamo Ameerikaan ah oo taagnaa wadada deegaanka Siigaaniyo ee hoos taga degmada Bagram gobolka Barwaan.

Waxaa durba goobta ku quur baxay 13 Askari oo katirsan ciidamada Maraykanka halka 11 kalena ay dhaawacmeen, waxaana goobta ku gubtay 3 baabuur oo noocyada gaashaman ah.

Imaarada Islaamiga ah war ay soo saartay waxay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana weerarku dhacay gelinkii dambe ee maalintii shalay.

Dalkan muslimka ah ee Afqaanistaan waxaa 16 sano kahor duulaan ku tagay isbaheysi uu Maraykanku horboodayo, waxaana muuqaneysa in inkabadna toban sano kadib ay Mujaahidiintu gacanta sare leeyihiin, halka Shisheeyuhu ay ka muuqato astaamaha jabka.

Istish-haadi Axmed waa Naftii huraha weerarka fuliyay.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular