HomeAll newsInkabadan 30 Askari oo Maamulka Jubbaland looga dilay Beled-Xaawo.

Inkabadan 30 Askari oo Maamulka Jubbaland looga dilay Beled-Xaawo.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa saaka aroornimadii hore weerar kula jirmaaday magaalad Beled Xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Modoobe hogaamiyaha ka yahay.

Weerarka oo cuslaa waxaa ilo lagu kalsoonyahay AlFurqaan u xaqiijiyeen in lagu daah furay Camaliyad Istish-haadi ah oo lagu dhuftay saldhig ay ciidamada  Jubbaland ku sugnaayeen, waxaana markaas kadib xigay weerar xoog ku gal ah oo ay qaadeen ciidamada Mujaahidiinta.

Dagaal kooban oo in muda ah socoday kadib waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab si toos ah ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Beled Xaawo, waxaana hadda magaalada si toos ah u maamulaya Al-Shabaab.

kudhowaad 35 Askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku naf waayay dagaalkan, halka ay jiraan kuwa kale oo dhaawacmey, waxaana ciidamada lagu weeraray Beled Xaawo ay u carareen dhanka Mandhera ee ay Kenya gumeysiga ku heysato.

Wixii Soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular