Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duleedka magaalada Marko waxay kamiin ugu dhigeen ciidamo katirsan Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Yugaandha, waxaana kamiinkaas ka dhashey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Shisheeye oo kolonyo ahaa ayaa markii ay marayeen deegaanka Ceel wareegow ee duleedka magaalada Marko waxay ku dheceen weerar culus oo kamiin ah oo in muda ah socoday.
Sida ay sheegayaan warar kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Al-Furqaan, Labo gaari oo mid xamuul yahay ayaa lagu gubay weerarkan kamiinka ah.
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Shisheeye ee Ugandha, inkastoo aan lahayn tiro rasmi ah.
Weerarada lagu beegsanayo ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa sii kordhay waxaana Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan gobollada kala duwan ee Soomaaliya ay si joogta ah u beegsadaan cidiamada Shisheeyaha.
mashaa Allah