Maraykanka waxaa maalmahan heysta musiibo Rabaani ah oo ay dad badan u sababeynayaan dhibaatada dowladan ay ka wado caalamka Islaamka.
Duufaanta loogu magac daray Iirma ayaa si ba’an u saameysay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, waxaana magaalooyinka gobolkan ay intooda badan noqdeen kuwa lama degaan oo kale ah kadib markii ay ka barakaceen dadkii degana.
Maamulka gobolka Florida ayaa sheegay iney barakaceen illaa iyo 6 Milyan oo ruux, kuwaas oo haatan ku jira goobo loo furay gurmadka deg dega ah, waxaana la dareemayaa ciriir dhanka goobaha la isugu yimid ah, maadamaa dadku ay aad u farabadanyihiin.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gobolka Florida ku geeriyooday illaa iyo 3 Ruux oo ay ku jirto haweeney sarkaal booliis ahayd, waxaana roobabku ay weli yihiin kuwa si xoogan u da’aya iyagoo wata dabeylo cadaab ah.
Magaalada Mayami oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn gobolka Florida ee Maraykanka waxaa go’an gebi ahaanba korontada, waxaana arintan ay halis ku tahay nolosha maadaama korontada dalkaas ay ka tahay shay daruuri ah loona adeegsado wax weliba xitaa cunta karinta.
Duufaanta waxaa la filayaa iney usii gudubto gobollada Wuqooyi ee Alabama, Crlonia iyo kuwa kale iyadoona saacadiiba jareysa 195KM, waxaana duufaantan meelaha ay sida xun u saameysay kamid ah gobolka Carriben oo ay ku dishey ugu yaraan 25 Ruux.
Donald Trump wuxuu amray in la qaato awaamiirta maamulka, wuxuuna lacago dheeraad ah u amray gobollada ay musiibadu ku dhacday sida Florida oo kale.
Khasaaraha maaliyadeed ee ka dashey duufaanta weli socota ee Iirma waxay gaareysaa 230 Bilyan oo doollarka Maraykanka ah, halka tii ka horeysay ee Hervy-na ay sababtay khasaara gaaray aduun lacageed oo dhan 180 Bilyan.
Waxaa xusid mudan in gobolka Florida uu ku yaalo taliska howlgallada uu Maraykanku ka wado dalalka Ciraaq, Suuriya iyo meelo badan oo katirsan dunida Islaamka, wuxuuna kamid yahay goobaha haatan laga barakacay.