HomeAll newsCiimada Burundi Oo Gaari Looga Gubay Shabeellaha Dhexe.

Ciimada Burundi Oo Gaari Looga Gubay Shabeellaha Dhexe.

Qarax culus oo lagu aasay wadada hareerteeda ayaa lala eegtay Gaari gaashaman oo Ciidamada Shisheeye ay leeyihiin, kaas oo marayay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Gaari nooca Tawga ah ayaa lasoo sheegayaa in Qarax Miino uu haleelay, kaas oo goobta ku gubtay.

Askartii saarneyd ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxa, waxaana Shisheeyhu ay daqiiqado hakad geliyeen socodkooda, iyagoo ka baqanaya weeraro hor leh.

Ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Burundi ee ku sugan Shabeellaha dhexe ayaa wajahaya silsilado weeraro ah oo uga yimid dhanka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular