HomeAll newsCiidamada Xarakada Al-Shabaab Oo La Wareegay Ceel-Waaq.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo La Wareegay Ceel-Waaq.

Boqollaal Ciidamo ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka aroornimadii hore waxay gudaha u galeen degmada Ceel-Waaq ee Wilaayada Gedo, halkaas oo ay isaga baxeen ciidamadii dowaldda ee ku sugnaa.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jihooyin kala duwan kasoo galay magaalada Ceel-Waaq, waxaana ay isku fidiyeen magaalada, iyadoona xarunta degmada iyo saldhiga ciidanka ay ku suganyihiin ciidamada Mujaahidiinta.

Majiro wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda.

Ciidamadii dowladda iyo maamulkii degmada ayaa u cararay dhanka xuduud beenaadka Kenya, waxaana haatan degan xaalada guud ee magaalada.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay gacanta ku dhigeen Saanado hub ah oo ay ka carareen ciidamada dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular