HomeAll newsAskar lagu laayay gobalka hiiraan iyo hub laga furtay.

Askar lagu laayay gobalka hiiraan iyo hub laga furtay.

Ugu yaraan shan askeri oo ka tirsanaa ciidamada maamulka hir shabeelle ayaa lagu dilay dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka kala bayr ee gobalka hiiraan welow la aamisan yahay in khasaaruhu intaas ka badan yahay.

Ciidamo kaa tirsan xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa weerar kula jarmaaday askarta oo ku sugnaa isbaaro qarash badan maamulka ka soo galo aadna loo ilaaliyo taasoo lacago baad ah looga qaado gaadiidka isaga goosha muqdisho, ilaa gobalada dhexe iyo kuwa ka sii shisheeya.

Intii dhimatay mooyee ciidamadii kale ee maamulka hir shabeelle ayaa cagaha wax ka dayay kadib markii dagaalku muddo kooban socday.

Askarta alshabaab ayaa dagaalkaas ku furatay afar qori oo sadax ka mid ah daba jeexyo yihiin kan kalena aake yahay.

Xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa sii xoojineysa dagaalka dagaalada ka dhanka ah kuwa shisheeyaha la shaqeeya waxaanay shalay subax sidaan oo kale dagaal kula kallahday ciidamo fariisin ku leh magaaalda ceel waaq ee gobalka gedo.

Askarta la weeraray oo ka baqay in dhegta dhiigga loo daro ayaa carar ku baxsaday markaa kadibna ciidamada duulaanka ahaa ayaa gubay saldhigii iyo xaruntii degmada.

Dhawaan dagaal ka dhacay magaalada beled xaawo ee gobalka gedo waxay xarakada ku dhishay 35 askeri oo ka tirsanaa dowldda federaalka ah iyo iyo maamulka jubba land.

Waxaa weerarkaasi ka horeeyay mid kale oo ka dhacay deegaanka buulo gaduud ee duleedka kismaayo halkaasoo mujaahidiintu ku dileen in ka badan afartan askeri oo ka tirsanaa maamulka jubba land waxaanay dagaalkaas ku furteen hub iyo gaadiid kuwa dagaalka ah.

Intaas waxaa dheer weeraro kale oo ka dhacay muqdisho shabeelaha dhexe iyo iyo shabeelaha hoose kuwaasoo askar kale lagu dilay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular