HomeAll newsAbuu Muscab: Dagaalkii Beled-Xaawo waxaan ku Dilnay Inkabadan 30 Askari.

Abuu Muscab: Dagaalkii Beled-Xaawo waxaan ku Dilnay Inkabadan 30 Askari.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Cabdil Caziiz Abuu Muscab ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda Andalus ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu kaga hadlay dagaalkii cuslaa ee saaka ay Mujaahidiintu ku qaadeen magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen inkabadan 30 Askari oo ciidamada maamulka Jubbaland katirsan, halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay sidoo kale in 9 gaari oo noocyada dagaalka ah ay kusoo qaniimeysteen dagaalkii Beled-Xaawo, isagoona intaa ku daray in maxaabiis Muslimiin ah ay kasoo furteen xabsiga saldhiga degmada.

Dhanka Sheykh Abuu Muscab wuxuu soo hadal qaaday weerar kamiin ah oo maanta ay ciidamo katirsan Mujaahidiinta u dhigeen malleeshiyaad katirsan kuwa dowladda oo marayay duleedka degmada Balcad ee Shabeellaha dhexe.

Halkan ka dhagayso Waraysiga  Abuu Muscab – Howlgalka Balad-Xaawo & Balcad

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular